Madaxweyne Cali Guudlaawe oo Furay Shirka 7-aad ee Caafimaadka Soomaaliya.

Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Hirshabeelle Mudane Cali Cabdullaahi Xuseen (Cali Guudlaawe) ayaa si rasmi ah uga furay magaalada Jowhar Shirka 7-aad ee Caafimaadka Soomaaliya, kaasi oo diiradda lagu saarayo horumarinta adeegyada caafimaadka ee shacabka Soomaaliyeed.

Shirkan waxaa soo agaasimay Wasaaradda Caafimaadka iyo Daryeelka Bulshada ee Dowladda Federaalka Soomaaliya, waxaana ka soo qeyb galay wasaaradaha caafimaadka dowlad goboleedyada dalka, Maamulka Gobolka Banaadir, iyo ururada kala duwan ee caafimaadka.

Wasiirka Caafimaadka iyo Daryeelka Bulshada XJFS, Dr. Cali Xaaji Aadan, ayaa sheegay in shirka laga soo saari doono go’aamo muhiim ah oo wax weyn ka tari doona horumarinta nidaamka caafimaadka dalka, gaar ahaan magaalada Jowhar.

Madaxweynaha Hirshabeelle ayaa xusay in shirkan uu yahay fursad muhiim ah oo lagu xoojinayo iskaashiga iyo isku-tashiga bulshada Soomaaliyeed, isagoo sheegay in ay muhiim tahay in la helo xalal waara oo lagu horumariyo adeegyada caafimaadka.

Ugu dambeyntii, Madaxweynaha ayaa ku ammaanay bahda caafimaadka Soomaaliyeed dadaalkooda naf-hurnimada ah, isagoo sidoo kale bogaadiyey shirarka sannadlaha ah ee lagu falanqeeyo horumarinta caafimaadka dalka.

  • Related Posts

    Madaxwayne ku-xigeenka Galmudug oo ka hadlay Xaalada siyaasadeed ee Galmudug iyo Doorashooyinka.

    Warsaxaafadee: Waxaan si weyn u soo dhoweynaynaa horumarrada muhiimka ah ee laga gaaray geeddi-socodka dimuqraadiyadeed ee dowlad-goboleedyada Koonfur Galbeed iyo Galmudug, kuwaas oo muujinaya dadaalka joogtada ah ee lagu xoojinayo…

    SoDMA oo Gurmad Bani’aadannimo Gaarsiisay Degmada Baardheere ee Gobolka Gedo oo Ay Abaartu Saameysay.

    Guddoomiye Ku-xigeenka SoDMA ayaa booqashadiisa ku yimid Baardheere kadib markii ay sii xoogeysatay xaaladda bini’aadantinimo ee ka dhalatay abaaraha saameeyay qaybo badan oo dalka ka mid ah. Socdaalkan shaqo ayaa…

    Leave a Reply

    Your email address will not be published. Required fields are marked *