Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Hirshabeelle Mudane Cali Cabdullaahi Xuseen (Cali Guudlaawe) ayaa si rasmi ah uga furay magaalada Jowhar Shirka 7-aad ee Caafimaadka Soomaaliya, kaasi oo diiradda lagu saarayo horumarinta adeegyada caafimaadka ee shacabka Soomaaliyeed.
Shirkan waxaa soo agaasimay Wasaaradda Caafimaadka iyo Daryeelka Bulshada ee Dowladda Federaalka Soomaaliya, waxaana ka soo qeyb galay wasaaradaha caafimaadka dowlad goboleedyada dalka, Maamulka Gobolka Banaadir, iyo ururada kala duwan ee caafimaadka.
Wasiirka Caafimaadka iyo Daryeelka Bulshada XJFS, Dr. Cali Xaaji Aadan, ayaa sheegay in shirka laga soo saari doono go’aamo muhiim ah oo wax weyn ka tari doona horumarinta nidaamka caafimaadka dalka, gaar ahaan magaalada Jowhar.
Madaxweynaha Hirshabeelle ayaa xusay in shirkan uu yahay fursad muhiim ah oo lagu xoojinayo iskaashiga iyo isku-tashiga bulshada Soomaaliyeed, isagoo sheegay in ay muhiim tahay in la helo xalal waara oo lagu horumariyo adeegyada caafimaadka.
Ugu dambeyntii, Madaxweynaha ayaa ku ammaanay bahda caafimaadka Soomaaliyeed dadaalkooda naf-hurnimada ah, isagoo sidoo kale bogaadiyey shirarka sannadlaha ah ee lagu falanqeeyo horumarinta caafimaadka dalka.



