Ra’iisul Wasaare Ku-xigeenka XFS oo soo xiray Shirka Siyaasadda Qaran ee Guriyeynta Soomaaliya.

Muqdisho, Talaado, 12 Maajo 2026 — Ra’iisul Wasaare Ku-xigeenka Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Saalax Axmed Jaamac, ayaa maanta si rasmi ah u soo xiray Shirka Wadatashiga iyo Ansixinta Siyaasadda Qaran ee Guriyeynta Soomaaliya, oo labadii maalmood ee lasoo dhaafay ka socday magaalada Muqdisho.

Shirkan oo ahaa mid muhiim ah ayaa lagu falanqeeyay laguna gorfeeyay Siyaasadda Qaran ee Guriyeynta dalka, taas oo ah qorshe istiraatiiji ah oo dowladda Federaalka Soomaaliya ay ku doonayso in lagu horumariyo helitaanka guryo ku habboon, ammaan ah, iyo kuwo la awoodi karo oo ay heli karaan muwaadiniinta Soomaaliyeed.

Shirka ayaa waxaa ka qaybgalay mas’uuliyiin ka socday Wasaaradda Hawlaha Guud, Dib u Dhiska & Guriyeynta ee Dowladda Federaalka Soomaaliya, iyo sidoo kale wasaaradaha la midka ah ee dowlad goboleedyada dalka, kuwaas oo door muhiim ah ka qaatay doodaha iyo talo bixinta ku saabsan siyaasadda cusub.

Intii uu shirka socday ayaa si qoto dheer loo gorfeeyay caqabadaha ka jira dhinaca guriyeynta dalka, fursadaha jira, iyo sida loo abuuri karo hannaan mideysan oo lagu hagaajiyo qorsheynta magaalooyinka, tayeynta dhismayaasha, iyo helitaanka adeegyada aas-aasiga ah ee la xiriira guriyeynta.

Ra’iisul Wasaare Ku-xigeenka XFS, Mudane Saalax Axmed Jaamac, oo soo xiray shirka, ayaa sheegay in Dowladda Federaalka Soomaaliya ay si dhab ah uga go’an tahay hirgelinta iyo miro-dhalinta Siyaasadda Qaran ee Guriyeynta dalka. Waxa uu tilmaamay in siyaasaddani ay tahay tiir muhiim u ah horumarka bulshada iyo dib u dhiska dalka.

“Dowladda Federaalka Soomaaliya waxaa ka go’an in la hirgeliyo Siyaasadda Qaran ee Guriyeynta, si muwaadiniinta Soomaaliyeed ay u helaan adeeg guryo oo tayo leh, isla markaana waafaqsan baahiyaha casriga ah ee dalka,” ayuu yiri Ra’iisul Wasaare Ku-xigeenka.

Mudane Saalax Axmed Jaamac ayaa sidoo kale u mahadceliyey dhammaan ka qaybgalayaasha shirka, isaga oo si gaar ah u bogaadiyey Wasaaradda Hawlaha Guud, Dib u Dhiska & Guriyeynta ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya dadaalka, waqtiga, iyo xirfadda ay gelisay diyaarinta Siyaasadda Qaran ee Guriyeynta.

Sidoo kale, wuxuu xusay in iskaashiga u dhexeeya dowladda federaalka iyo dowlad goboleedyada uu yahay mid muhiim ah si loo xaqiijiyo hirgelinta siyaasadaha waaweyn ee dalka, gaar ahaan kuwa la xiriira adeegyada aas-aasiga ah sida guriyeynta, biyaha, iyo kaabeyaasha dhaqaalaha.

Shirka ayaa lagu soo gabagabeeyay heshiis guud oo ku saabsan in la dardargeliyo hirgelinta Siyaasadda Qaran ee Guriyeynta, isla markaana la sameeyo qorshe mideysan oo lagu fuliyo talooyinkii iyo soo jeedintii kasoo baxday kulanka.

Ugu dambeyn, Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa waddo dadaallo joogto ah oo lagu horumarinayo kaabeyaasha bulshada iyo dib u dhiska dalka, iyadoo la tixgelinayo baahiyaha sii kordhaya ee shacabka Soomaaliyeed, gaar ahaan dhinacyada guryaha, adeegyada bulshada iyo horumarinta magaalooyinka.

Shirkan ayaa loo arkaa mid ka mid ah tallaabooyinka muhiimka ah ee lagu dhisayo mustaqbal waara oo ay Soomaaliya ku gaarto horumar dhismeed iyo mid bulsho oo ballaaran.

  • Related Posts

    Madaxwaynaha Soomaaliya oo Kampala uga qaybgalay Xaflada Caleemasaarka Madaxwaynaha Yugandha Yoweri Museveni.

    Kampala, May 12, 2026 — Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa maanta magaalada Kampala ee caasimadda dalka Yugaandha kaga qayb galay munaasabadda caleemo-saarka Madaxweynaha Jamhuuriyadda Yugaandha Mudane…

    Soomaaliya oo Ka Qayb Gashay Shir Madaxeedka Africa Forward Summit 2026 ee Nairobi.

    Dowladda Soomaaliya oo ka qeyb gashay shirka sare ee Afrika iyo Faransiiska ee ka dhacaya Magaaladda Nairobi. Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ah ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane…

    Leave a Reply

    Your email address will not be published. Required fields are marked *