Dowladda Soomaaliya oo ka qeyb gashay shirka sare ee Afrika iyo Faransiiska ee ka dhacaya Magaaladda Nairobi.
Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ah ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Cabdisalaam Cabdi Cali, oo matalaya Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa ka qeyb galay shir madaxeedka Africa Forward Summit, oo qeyb ka ah Shirka Horumarinta Iskaashiga Afrika iyo Faransiiska, kaas oo maanta si rasmi ah uga furmay magaalada Nairobi ee dalka Kenya.
Shirkaan heerkiisu sarreeyo ayaa waxaa ka qeyb galay madax dowladeed, wasiirro iyo saraakiil sare, kuwaas oo ka wada hadlay xoojinta iskaashiga dhinacyada badan leh, dardargelinta dib u habeynta hay’adaha maamul ee caalamiga ah iyo horumarinta nidaam caalami ah oo loo dhan yahay, kaas oo xaqiijinaya matalaad caddaalad ah oo ay helaan Afrika iyo dalalka soo koraya.
Shirweynaha Africa Forward Summit 2026 oo lagu qabtay magaalada Nairobi ayaa diiradda lagu saaray xoojinta iskaashiga u dhexeeya Afrika iyo Faransiiska, gaar ahaan dhinacyada hal-abuurka, maalgashiga, horumarinta dhaqaalaha iyo kobcinta xiriirka diblomaasiyadeed. Shirkan oo halku-dhiggiisu ahaa “France Partnership for Innovation and Growth” ayaa waxaa ka qayb galay madax iyo masuuliyiin sar sare oo ka kala socday dalalka Afrika iyo caalamka.
Kulanka waxaa sidoo kale goob joog ka ahaa Madaxweynaha Dowladda Faransiiska, wasiirrada arrimaha dibadda iyo gaashaandhigga ee dalal badan oo Afrikaan ah, Guddoomiyaha Midowga Afrika, madaxda urur goboleedka IGAD iyo marti sharaf kale oo heer caalami ah.
Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa shirkan waxaa uga qayb galay wafdi uu hoggaaminayay Wasiirka Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ah ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Cabdisalaan Cabdi Cali, waxaa ku wehlinayay Danjiraha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya u fadhiya dalka Kenya Danjire Jabriil Ibraahim Cabdulle, xubno ka tirsan diblomaasiyiinta Safaaradda iyo masuuliyiin ka socday Wasaaradda Arrimaha Dibadda.





