Qaahira: Xoghayaha Guud ee Jaamacadda Carabta, Ahmed Aboul Gheit, ayaa ka digay khatarta ka dhalan karta faragelinta ay ISR ku hayso arrimaha Soomaaliya, isagoo si adag u cambaareeyay tallaabooyinka uu maamulkaasi qaaday.
Axmed Abul Qayd ayaa carrabka ku adkeeyay muhiimadda ay leedahay ilaalinta midnimada, madax-bannaanida iyo wadajirka dhuleed ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, isaga oo ugu baaqay dhinacyada ku lugta leh inay ka fogaadaan wax kasta oo dhaawici kara xasilloonida iyo jiritaanka Soomaaliya.
Sidoo kale, wuxuu sheegay in Jaamacadda Carabta ay si buuxda u taageereyso dowladda Federaalka Soomaaliya, isla markaana ay ka soo horjeeddo tallaabo kasta oo wiiqaysa midnimada dalka ayna qaado ISR.
Hadalkan kasoo baxay Xoghayaha Guud ee Jaamacadda Carabta ayaa kusoo aadaya xilli ay sii kordhayaan walaacyada la xiriira arrimaha siyaasadeed iyo faragelinta dibadda ee saameynta ku leh Soomaaliya.





