Taliye Ku-xigeenka Ciidanka Dhulka XDS oo Baydhabo ka Shir Guddoomiyay Xoojinta Amniga iyo Howlgallada ka Dhanka ah Al-shabaab.

Baydhabo – Taliye ku-xigeenka Ciidanka Dhulka Xoogga Dalka Soomaaliyeed, Jen. Cabdullaahi Xuseen Ciro, ayaa magaalada Baydhabo ku shir guddoomiyay kulan amniga looga hadlayay, kaas oo diiradda lagu saaray xoojinta amniga guud ee gobolka Baay iyo dardar gelinta howlgallada ka dhanka ah kooxda Al-shabaab.

Kulanka waxaa kasoo qeyb galay saraakiil sar sare oo ka tirsan Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed, oo ay kamid ahaayeen Taliyaha Qeybta 60-aad Col. Isaaq Aadan, Taliyaha Guutada 17-aad ee Kumaandooska GorGor Col. Xuseen Moalif, iyo saraakiil kale oo ka socotay Taliska Guud ee CXDS.

Mas’uuliyiinta iyo saraakiisha kulanka ka qeyb galay ayaa ka wada hadlay sidii loo xoojin lahaa sugidda amniga magaalada Baydhabo, kor loogu qaadi lahaa wada shaqeynta ciidamada kala duwan ee ka howlgala deegaannada maamulka Koonfur Galbeed, iyo sidii loo dardargelin lahaa howlgallada sifeynta ah ee lagu beegsanayo Al-shabaab.

Jen. Cabdullaahi Xuseen Ciro ayaa saraakiisha ciidamada ku amray inay laba jibbaaraan dadaallada lagu xaqiijinayo amniga Baydhabo iyo deegaannada ku xeeran, isagoo sidoo kale faray inay si buuxda ugu diyaar garoobaan howlgallada socda ee ka dhanka ah kooxda Al-shabaab.

Kulankan ayaa kusoo aadaya xilli ciidamada dowladda Federaalka Soomaaliya ay kordhiyeen howlgallada militari ee ka socda deegaanno badan oo kamid ah maamulka Koonfur Galbeed Soomaaliya, kuwaas oo lagu bartilmaameedsanayo xubnaha Al-shabaab.

  • Related Posts

    Jaamacadda Carabta oo ka Digtay Faragelinta ISR ay ku Heyso Midnimada Soomaaliya.

    Qaahira: Xoghayaha Guud ee Jaamacadda Carabta, Ahmed Aboul Gheit, ayaa ka digay khatarta ka dhalan karta faragelinta ay ISR ku hayso arrimaha Soomaaliya, isagoo si adag u cambaareeyay tallaabooyinka uu…

    Ra’iisul Wasaare Ku-xigeenka XFS oo soo xiray Shirka Siyaasadda Qaran ee Guriyeynta Soomaaliya.

    Muqdisho, Talaado, 12 Maajo 2026 — Ra’iisul Wasaare Ku-xigeenka Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Saalax Axmed Jaamac, ayaa maanta si rasmi ah u soo xiray Shirka Wadatashiga iyo Ansixinta Siyaasadda Qaran…

    Leave a Reply

    Your email address will not be published. Required fields are marked *